Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaKulankii Golaha Shacabka Soomaaliya oo Lagu Kala Dareeray iyo Buuq Hadheeyay

Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya oo Lagu Kala Dareeray iyo Buuq Hadheeyay

Golaha Shacabka Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya
    

Waxaa buuq iyo is qabqabsi ku soo idlaaday kulan ay maanta u balansanaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaa soo lagu wadday in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka oo xalay lagu soo daabacay barta bulshada ee golaha Baarlamaanka, sidoo kalana xildhibaanada fariin qoraaleed loogu diray ayaa lagu sheegay in lagaga hadlayo arrimo ku saabsan Covid-19, balse waxaa yimid tuhun laga qabo inuu jiro muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo golaha baarlamaanka.

Ka hor inta aanu furmin fadhiga, buuq ayaa hadheeyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana jiray buuq badan sida laga arkayay muuqaalada laga baahiyay warbaahinta gaarka loo leeyahay, sidoo kalana qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa diiday inay saxeexaan buuga lagu xaadiriyo xildhibaanada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen qalalaase, isla markaana is hor istaag ku sameeyeen inuu kal-fadhigu furmo, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka ee wakhtigiisa dhamaaday uu sheegay in la soo gudbiyo liiska xildhibaanada kiciyay buuqa si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo la xidhiidha arintan dhacday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)