24.3 C
Hargeisa
Friday, January 27, 2023

Faysal Cali Waraabe: Somaliland Uga Baqi Maayo Cadow Shisheeye Ee Waxan Uga Baqayaa Maamul Xumo

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe
    

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeya maamul-xumo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu Somaliland uga baqayn cadow shisheeye balse, uu uga baqayo in maamul-xumo waxyeelayso.

“Intaa Somaliland jirtay maanta waxan uga baqayaa uun in ay maamul-xumo ina baabiiso, cadaw shisheeye ka baqimayno” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe .

“Wataa maanta la xidh xidhayo musharixiinteeni, ma musharax wasiirkii qabiilkiisa kasoo jeeday uu xidhad aragtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay, in hadii uu mudaharaadi lahaa uu dalka u tudhayo madama oo madaxweynuhu aanu u tudhi doonin.

“Anagu waxaanu isleenahay hadaad yur yur tidhaahdaan dalka burburi doona, Muuse na dalka u tudhi mayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta