fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaFaratoon oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha iyo Dibedda Somaliland

Faratoon oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha iyo Dibedda Somaliland

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
    

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iska casilay, ahna Musharax u tartamaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso.

Faratoon ayaana waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda talada dalka haysaa ay ka go’antay inay umadda wax u qabato, horumarna gaadhsiiso waddanka.

Proff Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Covid-19 iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dhinaca Siyaasadda Arrimaha Dibedda, iyo Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo dhinaca walba meel fiican baynu maraynaa, inkastoo xilkii Wasiirnimo iska casilay, oo aan ahay Musharaxa, haddana Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba way ka go’an tahay horumarka dalka iyo dadkaba, way ka go’an tahay inay dalkeenu ictiraaf helo, insha allaahna waynu heli doonaan wax walba oo inaga dhiman, maxaa yeelay maantaba waxaa guul inoogu filan inaynu wax walba qabsanay iyadoo aanay ciddina inaga caawin, Doorashooyinkeenu sida ugu fiican bay inoogu dhici doonaan”.ayuu yidhi ex wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Mar wuu ka hadlaayey Covid-19 wuxuu yidhi “Waynu la soconaa in Covid-19 yahay xanuun malaayiin qof ku dilay Caalamka, inagana dad baa inagaga dhintay, ee ALLE ha inoo sahlo, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo dadkeena u jiifa uu caafimaad ugu beddelo, ee tallooyinkaas iyo wacyigelintaas ku saabsan sida la iskaga ilaalinayo xanuunkan ha la raaco, oo aad ha looga feejignaado”.ayuu yudhi Faratoon.

Mar wuu ka hadlaayey abaaraha wuxuu yidhi “Abaaruhu waa mid ka mid ah masiibooyinka jira, ee waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu abaarahaas inoogu beddelo nimco oo uu inoo shubo roobkiisa”.ayuu yidhi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)