fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaShacabka Hargeysa Oo Is Weydiinaya Halka Ay Martay Lacagtii Malaayiinta Doollar Ahayd...

Shacabka Hargeysa Oo Is Weydiinaya Halka Ay Martay Lacagtii Malaayiinta Doollar Ahayd Ee Guddida Karoona Fayras Loo Dhiibay!

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horjeestay Guddidii uu Madaxweyne Muuse Biixi dabayaaqadii sannadkii 2019-kii u Magacaabay ka hortaga cudurka Karoona Fayras,waxaanay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin Guddidaa,halka ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsadeen inuu baddelkooda Magacaabo.

Shacabka Magaalada Hargeysa oo la hadlayey Telefishanka Star ayaa waxay haddaladoodii kamid ahaa kuwan:-“Guddidaas uu Madaxweynuhu Magacaabay ee Saylici hoggaamin jirray  lacago hore ee loo dhiibayna meel ay marisay lama hayo shaqadeediina kama soo bixin dadkiina wacyigelin umma samayn , hal hal gaadhi ayaa lagu wareejiyey Magaalooyinka oo karoonaha ka digaya, hal halkaa gaadhina wax yar oo Lacag ah ayaa ku baxaysay, laakiin Lacag baddan oo malaayin ah ayaa loo dhiibay malaayiintaa meel ay marrisay lama garanayo .” ayey yidhaahdeen

Dhanka kalene shacabka ayaa sheegay in guddidaas aanay qaybin afsaarkii , isla markaan aanay wax wacyigelin ah samayn,iyagoo ku eedeeyey in guddidu ay wax kasta lacag ka dhigeen“ Wacyigelin may samayn may qaybin afsaarkii wax kastana lacag ayey ka dhigeen,markaa waanu ka soo horjeednaa wax-yaabaha ay samaynayso guddidaa ka hortaga karoona fayrasku ,Madaxweynaha Somaliland waxa aanu ka codsanaynaa in guddi cusub uu Magacaabo arrimaha karoona fayraska , maddaama guddidii hore aanay shaqaynayn” ayaa kamid ahaa haddaladoodii

Geesta kalene bulshada reer Hargeysa ayaa waxay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin guddida hadda jirta ee karoona fayras, isla markaana aanay wax lacag ah cidi ku aaminay guddidaas, waxaanay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu baddelkooda Magacaabo “Shacabka kalsooni darro ayaa ku dhacday guddidana wax kalsooni ah kuma qabaan, wax alaale wax Lacag ah oo dambe loo dhiibi maayo sidii guddidii abaaraha oo kale ay dadku kalsooni darro uga qabeen,Waxa aan odhan lahaa Madaxweynuhu waa inuu sidan wax ka baddelo waa in waddanka xaalad deg deg ah la gelliyaa  .” ayey sheegeen  shacabkan la hadlay telefishanka Star.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)