fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaDawladda Turkiga Oo Weedho Culus Ku Canaantay Madaxda Dalka Soomaaliya Ee Is...

Dawladda Turkiga Oo Weedho Culus Ku Canaantay Madaxda Dalka Soomaaliya Ee Is Mariwaagu U Dhaxeeyo

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiis la’aanta saamilayda siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan hanaanka doorashada dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aaddan horumarka dalkooda iyo sidoo kale in lagu guuleysto nabad iyo barwaaqo dalkaadi gaadho.

“Waxaan mar kale ugu yeedhaynaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay isku yimaaddaan oo ay murannadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaadhay 17-kii September 2020, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin,” ayaa lagu yidhi qoraalka shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ee uu ku canaantay qabqablayaasha Siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya oo in muddo ah isku jiidjiidanaya hannaanka ay u qabsoomi lahayd doorashada dalkaasi Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka taageereyso shacabka iyo dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, sida ugu dhaqsaha badan. Qoraalka Turkiga ayaa kusoo beegmaya iyada oo dhowaan warbaahinta dalkaas ay tebisay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkigu Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaaddo Magaalada Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda is-mari waaga ka taagan waddanka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale baaqa Turkigu ku biirayaa baaqyada beesha caalamka ee ku aaddan in xal deg deg ah la gaadho, waxaana muuqata in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay madaxda dowlad goboleedyada ka tegin Muqdisho, iyada oo aan heshiis la gaadhin. Xukuumadda taagta daran ee Beesha caalamku taageerto ee dalkaasi Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaarkood ayaa wali isku fahmi laha dhinac ay u wada dhaqaaqaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)