fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaQaramada Midoobay Oo Sheegay In Aanay Taageeray Doorasho Hal Dhinac Oo Somaliya...

Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Aanay Taageeray Doorasho Hal Dhinac Oo Somaliya ka Dhacda

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin mudo korarsi ama doorasho hal dhinac.

“Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Warkan kooban ee ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili wali uu jiro ismariwaa la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu guuleysan la yahay in meel leysugu keeno madaxda Soomaalida si ay arintan uga wada hadlaan.

Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali ka biyo diidan in ay soo fariistaan miiska wadahadalka iyaga oo marka hore dalbanaya in wax laga qabto qoddbo dhowr ah oo uu baahan in la meel mariyo ka hor wada hadallo laga galo arinta doorashada.

Laakiin beesha caalamka oo dadaalka ugu badan ku bixinaya sidii uu u miro dhali lahaa shirarka hadda socda ee dhinacyada loogu kala dabqaadayo ayaa cadaadis ba’an ku saaraya dhinacyada ay arintan ku quseyso in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah si dalku doorasho u aado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)