Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaHargaysa: Tartan Suugaaneed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyadda Sare

Hargaysa: Tartan Suugaaneed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyadda Sare

    

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa hawl-gallo  la xidhiidha ilaalinta deegaanka iyo duur joogta ka fulisay degmooyinka ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Waxaana hawl-galkaasi fuliyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo kormeer ku soo maray degmooyinka iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Hawl-galkaasi ayaa isugu jiray wacyi gelin ay masuuliyiintu siinayeen bulshadda deegaamadii ay soo mareen iyo ilaalinta deegaanka  iyo wax kastoo dhibaato ku keenaya deegaanka iyo daryeelka xaaladda guud ee dhul-daaqsimeedka.

Masuulinyiintaasi oo uu ka mid  ahaa isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Maroodijeex    iyo qaar ka mida hawl wadeena wasaaradaasi waxay la kulmeen dadweynaha iyo masuuliyiinta deegaamadaasi kala duwan ee  ay kormeerka ku soo mareen.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland.

Deegaamadii ay masuuliyiintaasi kormeerka ku soo mareen waxaa ka mid ahaa degmada Dacarta, degmada Faraweyne, degmada Salaxley, degmada Saba-wanaag,  degmada Cadaadley iyo tuullooyinka ka tirsan degmooyinkaasi.

Geesta kale, guddoomiyeyaashii iyo maamuladda degmooyinkii ay masuuliyiinta wasaaradda deegaanku soo mareen ayaa isyaguna wasaaradda deegaanka ku amaanay shaqadan ay qaranka u hayaan.

Waxaanay balan qaadeen inay wasaaradda kala shaqayn doonaan ilaalinta deegaanka iyo duur joogta iyo wax kastoo dhibaato ku ah, isla  markaana ay wasaaradda ku garab taagan yihiin sidii waxyaabaha dhibaatadda ku ah deegaanka ay kala shaqaynayaan.

Dhinaca kale, warka ayaa intaas ku daray in masuuliyiintii ka socday wasaaradda deegaanka iyo shacabkii ay la kulmeen ay isl qaateen ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, dadweynuhu waxay balan qaadeen inay wasaaradda la soo socod siiyaan dadka dhibaatadda ku haya deegaanka iyo duur joogta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version