Friday, March 29, 2024
HomeWararkaLATEST NEWS Xukuumadda Oo Shaacisay Sida Gobollada Somaliland Ugu Kala Badan Yihiin...

LATEST NEWS Xukuumadda Oo Shaacisay Sida Gobollada Somaliland Ugu Kala Badan Yihiin Geerida Uu Sababayo Xanuunka Covid_19 & Khatarta Jirta

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Bade, ayaa ka dayriyey Xaaladda uu Xanuunka Covid_19 ka marayo Somaliland iyo sida xawliga ah ee uu u faafayo.

Wasiirka Caafimaadka oo Shalay ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Guddiga ka hor-tagga Covid_19 si wada jir ah ugu qabteen Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Khatarta uu Xanuunka Covid-19 ku hayo Dadka ku nool Somaliland waa mid sii kordhaysa Maalinba Maalinta ka dambaysa marka la eego Gobollada Dalka oo uu si isku mid ah uu u fidayo, sidoo kale Dadka Xanuunkan u soo dhacaya iyo kuwa u dhimanaya waxa ku jira korodh aad iyo aad u badan.”

Wasiir Bade waxa kale oo uu sheegay “Bishii koowaad ee sannadkan waxa Gobolka Awdal lagu baadhay 271 Qof, waxa laga helay hal qof, Gobolka Maroodi-jeex waxa la baadhay 3,833 Qof, waxa laga helay 52 qof baa laga helay, Saaxil waxa la baadhay 11 Qof, qofna lagama helin, Togdheer waxa la baadhay 163 qof waxa laga helay 5 Qof, Sool waxa la baadhay 42 Qof, qofna lagama helin, Sanaag waxa la baadhay 19 Qof, 1 qof baa laga helay. Dhimashada markaad eegto bishaa koowaad ee sannadkan waxay ahayd 2 qof.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Bishii labaad ee sannadkan kor u kac baa ku yimid Xanuunka marka laga reebo Gobolka Awdal, Gobolka Maroodi-jeex oo la baadhay 4,338 qof waxa laga helay 175 qof, waxaana u dhintay 10 qof, Saaxil waxa laga baadhay 145, 23 baa laga helay 1 qofna wuu u dhintay, Gobollada kalena isbeddel noocaas ah baa jiray, bishii labaad Dadka laga helayo Xanuunku wuxuu kor u kacay 5%, dhimashaduna waxay kor u kacday 6%.”

Wasiirka Caafimaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Bishan March oo Maanta 22 ah (Shalay), Gobolka Awdal waxa xanuunka laga baadhay 268 Qof, waxa laga helay 38 Qof, laba Qof baa dhimasho ahaa, Gobolka Maroodi-jeex waxa la baadhay 3,074 waxa laga helay 344 Qof, dhimashaduna waa 21 Qof, Saaxil waxa la baadhay 472, waxa laga helay 125 qof, hal qof baa dhimasho ah, Togdheer waxa la baadhay 385, waxa laga helay 101, laba Qof baa dhimasho ahaa, Sool waxa la baadhay 112 qof, waxa laga helay 32 Qof, 3 baa dhimasho ahaa, snaaag waxa laga baadhay 23 Qof, 14 qof baa laga helay, qof baa dhimasho ahaa, marka la isku geeyo Tirada Dadka la baadhay bishan aan dhammaan waa 4,4334 qof, waxa xanuunka laga helay 659 Qof, dhimashaduna waa 35 Qof, taasi oo macnaheedu tahay in Dadka Xanuunka laga helayaa ay kor u kacday 15%, dhimashaduna waa 5%. Markaynu isku wada geyno tirada Dadka la baadhay 3-dan bilood ee sannadkan waxa la baadhay 13,732 Qof, Dadka laga helay waa 950, inta dhimatay waa 50 qof. Markaa waxaad arkaysaan inuu isbeddel weyn samaynayo xanuunka.” Ayuu yidhi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version