fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaDawlada Eritrea Oo Si Kulul U Cambaareysay Cuno qabateynta Ay Kusoo Rogtay...

Dawlada Eritrea Oo Si Kulul U Cambaareysay Cuno qabateynta Ay Kusoo Rogtay Midowga Yurub

Eritrea ayaa cambaareysay waxay ay ku tilmaantay go’aanka ‘bahdilka ah’ kadib markii Midowga Yurub uu cunaqabateyn kusoo rogay xafiiska amniga u qaabilsan dalkaas arrimo la xidhiidha eedeymo ku saabsan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in ayna aqbaleyn cunabateynta waxbo kama jiraanka ah.

Waxay sheegtay in go’ankan la doonayo in lagu dhibaateeyo Eritrea isla markaana laga leeyahay dano qarsoon.

Midowga Yurub ayaa cunaqabteyn kusoo rogay xafiiska dowladda Eritrea u qaabilsan amniga oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal, jidhdil iyo xadhig.

Wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea waxay sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in xiisad uu ka dhex abuuro Itoobiya iyo Eritrea isla markaana awoodda dib loogu soo celiyo maamulkii Tigray ee xilka laga tuuray.

Ciidammada Eritrea waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo markii dagaallada ay ka qarxeen halkaas bishii Nofeembar.

Eritrea waxaa lagu eedeeyay in ciidamo ay geysay Tigray si awoodda looga tuuro TPLF, waxay beenisay eedeymahaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir