fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaWasiirka Warfaafinta oo Furay Shir Lagu Dhammaystirayay Siyaasadda Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Shir Lagu Dhammaystirayay Siyaasadda Warbaahinta

    

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Kulan ku saabsan dhammaystirka Siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo muddo soo socotay diyaarinteedu.

Shirkan waxa kaloo ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimewaaxeedyada Wasaaradda, Masuuliyiin ka socday Ururrada Saxaafadda, Dallada SONSAF iyo khuburro kala duwan.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Deeq Aw Cali Yuusuf oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka warbixiyey ujeeddooyinka laga leeyahay Siyaasadda Warbaahinta Qaranka iyo marxaladihii ay soo martay, waxaanu u mahad celiyey cid kasta oo tallo iyo soo jeedin ku lahayd.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay daneeyeyaasha oo dhan ka qaybgaliyeen xiligii la diyaarinayey siyaasadda Warbaahinta Qaranka, waxaanu tilmaamay in siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo gabogabo maraysa loo gudbin doono Golaha Wasiirrada.

Agaasime Maxamed Yuusuf waxa uu intaas ku daray Wasaaradda Warfaafintu ay xaq u leedahay curinta siyaasadda warbaahinta, halka Saxaafadduna ay ku leedahay kaalin weyn oo ah inay ka talo bixiyaan siyaasadaha iyo xeerarkaba.

Waxa kaloo siyaasadaasi soo dhaweeyey isla markaana tallooyinkooda soo jeediyey Masuuliyiin kala duwan oo ku hadlayey magaca Ururrada SOLJA, WIJA, FIMO, SIBA, Ururka Mareegaha, iyo BBC Media Action,  kuwaasi ka hadlay baahida loo qabo siyaasadda warbaahinta isla markaana sheegay inay door ku lahaayeen diyaarintii iyo curintii siyaasadda.

Sidoo kalena waxa iyaguna ka hadlay marxaladihii  ay Siyaasadda Warbaahintu soo martay Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Xasan Cali Weji, Xuseen Cali Nuur, Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) iyo Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo ku baaqay in la taageero dhammaystirka  Siyaasadda Warbaahinta Qaranka oo ay caddeeyeen in la dhammaystiray.

Wasiirka WasaaraddaWarfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in Siyaasadda Warbaahinta Qaranku ay lagama maarmaan u tahay Warbaahinta dalka oo uu xusay inay muddo dheer ugu soo shaqeynayeen xili aanu ku dhaqanka sharciguba ka tisqaadin dalka.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay xushmaynta madax-bannaanida Saxaafadda,haseyeeshee Warbaahinta looga baahan yahay Waddaniyad iyo ilaalinta sharciga. Waxaanu tilmaamay inay Wasaarad ahaan la shaqeynayaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Shirkaasi waxa markii dambe soo gabogabeeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo u mahadceliyey waxgaradkii iyo daneeyeyaasha Warbaahinta ee Siyaasadda Warbaahinta Qaranka wax ku darsaday, waxaanu xaqiijiyay inay ku soo darayaan Siyaasadda Warbaahinta tallooyinkii  shirka maanta laga soo jeediyey. Waxa kaloo uu xaqiijiyey inay mustaqbalka sameyn doonaan siyaasaddii lagu dhaqi lahaa dhaqanka iyo wacyigelinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)