26.1 C
Hargeisa
Wednesday, March 22, 2023

Somalia: Shir Ay Ka Maqan Yihiin Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Ka Furmay Muqdisho

Shirka Madaxda Soomaliya
Shirka Madaxda Soomaliya
    

Waxaa teendhada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho goor dhawayd ka furmay shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa Maxamed Xusseen Rooble, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeybgalin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii ugu danbeeyayba u joogay Muqdisho ka qeybgalka shirkan, hasse ahaatee waxaa soo baxaya in uu jiro khilaaf xoogan oo ku gadaaman ajandaha shirka iyo cidda hoggaamineysa.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida cadaadis xoog leh ku saaraya heshiis kama danbeys ah oo laga gaadho arrimaha doorashada Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ka soo baxay shalay ku sheegtay in madaxda dowladda gobolleedyada ka tagi doonin Muqdisho ilaa laga gaadhayo heshiis doorasho oo kama danbeys ah.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta