Friday, April 19, 2024
HomeWararkaEdna Adan: Somaliland 1991 Kahor Gaar Bay Ka Ahayd Soomaaliya

Edna Adan: Somaliland 1991 Kahor Gaar Bay Ka Ahayd Soomaaliya

Drs. Edna Adan
Drs. Edna Adan
    

Ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Drs. Edna Adan Ismaaciil ayaa sheegtay in Somaliland ay ahayd mustacmarad wixii ka horeeyay 1991.

Drs. Edna Adan ayaa hadalkan ka sheegtay mar ka qayb gashay dood lagu qabtay Telefiishanka dowlada ayaa sheegtay in Somaliland ay gumaysi ku jirtay xiligii dowladii millitariga.

Waxay Edna Adan ay sheegtay in xiligii ay dalka ka talinaysay dawladii Kacaanku anay si ula wada dhaqmi jirin goboladii waqooyi (Somaliland) iyo Soomaaliyadii kale.

“Xataa markii aan la kala gu’in ee 1991 kahor, Somaliland waxay ahayd wax ka go’an Soomaaliya, oo loola dhaqmo sidi dal lahaysto” ayay tidhi Drs. Edna Adan.

Ergayga ayaa dhinaca kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhawaday.

“Maanta aqoonsigeenii qarka ayuu saaranyahay, dowlado ayaa badheedh warqadahoodi aqoonsiga u keena, aqoonsiguna waa taas oo isbiirsata” ayay tidhi Drs. Edna Adan.

Ergayga ayaa sheegtay in maadama oo Somaliland 30 sano jirsatay, laga rabo, maamul wanaag.

“Madaama oo aynu qaangaadh nahay, garwanaag baa laynaga rabaa, maamul wanaag baa laynaga rabaa, maanta shaqadu inoo bilaabmaysaa” ayay tidhi Drs. Edna Adan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version