fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaAgaasimihii Hore Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo Geeriyooday

Agaasimihii Hore Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo Geeriyooday

Cabdi Axmed Nuur (Gurey)
Cabdi Axmed Nuur (Gurey)
    

Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ku geeriyooday Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Gurey).

Marxuum Cabdi Axmed Nuur ayaa sidoo kale ahaa la-taliye sare oo arrimaha gudaha ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka Hadley geerida agaasimihii hore wasaarada Arimaha Gudaha Marxuum Cabdi Axmed Nuur.

Madaxweynaha ayaana qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Agaasimihii hore arimaha gudaha.

Tacsida madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress, ayaa u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 22/03/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday xilkas ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)