fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWasaarada Ciyaaraha oo Ganaax-yadii Ka Cafisay Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd

Wasaarada Ciyaaraha oo Ganaax-yadii Ka Cafisay Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd

Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd
Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd
    

Guddida racfaanka ee wasaarada ciyaaraha Somaliland, ayaa laashay ganaax muddo 4 ilaa 5 sano ah lagaga mamnuucay xulalka gobolada Togdheer iyo Hawd ciyaaraha Somaliland.

Ganaaxa labada kooxood lagu soo rogay, ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in ay ku kacaneen falal anxasha baal marsan intii uu socday koob kii gobolada Somaliland.

Hadaba guddida racfaanka ee wasaarada ciyaaraha, oo dib u eegis ku samaysay ganaaxyada ayaa si kama danbays ah u laashay.

“Kadib markii aanu dibu eegis ku samaynay ganaaxyadii tartan kii ciyaaraha gobolada, waxanu go’aan sanay in ganaaxa laga qaado Hawd iyo Togdheer” sida waxa yidhi gudoomiyaha guddida racfaanka Axmed Aflax.

“Sidoo kalena in ciyaartoygii ganaaxyadu ku dhaceen dhamaantoodba laga qaado, ganaaxyadaas oo u badnaa dhinaca anxshaxa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa sido kale sheegay in ciyaartoydii kasoo ciyaaray maamul goboleedyada Soomaaliya ganaaxyada loogu badali doono ganaaxyo  lagacageed.

Dhanka kalena digtoorayso Adna Aadan Ismaaciil iyo Jaamac Karaaciin oo katirsan bahda ciyaaraha Somaliland ayaa wasaarada uga mahad celiyay go’aanka ay ganaaxyada ku laashay.

Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed oo munaasibada soo afmeeray ayaa sheegay in hadii aan ganaaxyada lasoo rogi lahayn ay wax badani sii xumaan lahaaheen.

“Ganaaxa maalinta hadan lasamayn wax badan baa sii xumaan lahaa, looma samayn ganaaxa in la ciqaabo dadka ee waxa loo sameyay in garsooraha iyo calan wayada yaashiisu ay ugu sareeyaan garoonka marka la galo” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in tan iyo intii la bilaabay in la ganaaxo ciyaartoyda uu anshaxa ciyaaruhu wanagsanaaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir