News

Musharax Cabdikariin Maxamed oo u tartamaya golaha wakiilada oo Deegaanada Koonfurta Gabiley gaadhsiiyey Biyo+Sawiro

Byadmin

Mar 21, 2021
Gabiley(Haldoornews):-Wafti Uu Hoggaaminayo Murashax Eng Cabdikariim Maxamed Muxumed Oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Wakiilada Somaliland ayaa gaadhay Qaar ka mid ah Tuulooyinka Koonfureed Ee Gobolka Gabilay Safarkan Shaqo Oo ay ku Wehelinayeen Qaar ka mid ah Musharaxiinta golaha Deegaanka degmada gabiley oo uu ka mid ah yahay Musharax Axmed Ciisood ahmed ayaa Ujeedkoodu ahaa gaadhsiinta Tiro Dhan Afartan iyo Sideed Booyadood (48) Oo Biyo ah
Gaadhsiinta Biyo nadiif ah Deegaanada Qadawga ayaa ahaa Wejigii labaad Ee Qorshe lagu Oon-tirayo Bulshada deegaanada Madarka iyo Qadawga Waxa xusid mudan in Maalmihii inna Soo dhaafay ay Sidan si lamid ah u gaadhsiiyeen Deegaanada madarka Afartan iyo Todoba (47) booyadood oo biyo nadiif ah Halka maanta Deegaanada ay ka midka yihiin ijaara,Taysa,Boqor,Tiin,Xayd,Farxaan,Laaya,Gaashaamo,Ceel-baxay Boodhley,Qawdhan la gaadhsiiyay 48 Booyadood Oo biyo ah
Guuud ahaan bulshada Deeganadan ayaa si wayn u soo dhaweeyay Masuuliyiintan iyo Doorka ay ku leeyihiin Gacan wabashada bulshadooda tabaalaysam.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *