fbpx
Monday, June 5, 2023
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-Galay Madal Ay Shirkadda Somtel Ku Daah-Furtay Saamiyo...

Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-Galay Madal Ay Shirkadda Somtel Ku Daah-Furtay Saamiyo Cusub oo Ay Muwaadiniinta Siisay

    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay Daah-furka munaasibad ay shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL muwaadiniinta ugu oggolaatay fursad ay saamiyo ku darsan karaan shirkadda.

Munaasibaddan uu madaxweynuhu daah-furay oo ahayd mid si weyn loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay maamulka sare ee shirkadda SOMTEL, hoggaanka sare ee axsaabta qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya marxaladihii kala duwanaa ee ay shirkaddu soo martay iyo muhiimadda ay leedahay fursaddan la siiyey muwaadiniinta kala duwan oo u baahan in laga faa’iidaysto.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid, la-taliyaha madaxweynaha ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, garaad Jaamac garaad Ismaaciil, Marwa Adna Aadan Ismaaciil, Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali-Jawhar, guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Xuseen ( Faysal Cali-waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno kale oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si hufan u sharraxay muhiimadda ay leedahay inay shirkaddu macaamiisheeda iyo muwaadiniinta kaleba siisay fursad iyo saamiyo cusub oo ay shirkadda kaga mid noqon karaan ku heli karaan, waxana ay shacabka ugu baaqeen inay fursaddaas cusub ee la siiyey sideeda uga faa’iidaystaan.

Mulkiilaha shirkadda SOMTEL, Mudane Maxamed Siciid Dahabshiil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay shirkadda SOMTEL horumar ballaadhan ku tallaabsatay, islamarkaana haysato macaamiil tiro badan oo ku qanacsan adeegyada ay bixiso, waqtiganna ay maamul ahaan go’aansadeen inay bulshada ay muddad usoo adeegayeen saamiyo ay shirkadda kaga mid noqon karaan siiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda si rasmi ah u daah-furay, ayaa bogaadiyey dedaalka iyo naf-hurka ay shirkaddu muujisay muddadii ay jirtey, waxana uu caddeeyey inay si buuxda u dhiirrgelinayaan shirkadda SOMTEL, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta halkan waxaynnu u nimi inaynu ku hambalyeyno oo ku dhiirrigelinno shirkad kamid ah shirkadaha Somaliland kuwa ugu faca-weyn leh ama ugu miisaanka weyn, weynu hambalyeynaynaa shirkadda Dahabshiil, hawlaha ay qaranka u qabatayna hadda la isu sheegi maayo.”

Ugu dambayntii waxa madasha shahaadooyinkii caddaynta ahaa lagu guddoonsiiyey shantii qof ee ugu horraysay ee ka qaybgalay saamiga ay ay macaamiisha u furtay shirkadda SOMTEL.

  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)