fbpx
Monday, June 5, 2023
HomeWararkaKulmiye Oo Komishanka Doorashooyinka U Gudbiyay Murashaxiinta Uga Tartamaya Degmooyinka

Kulmiye Oo Komishanka Doorashooyinka U Gudbiyay Murashaxiinta Uga Tartamaya Degmooyinka

    

Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa shaaciyay in ay maanta u gudbiyeen komishanka doorashooyinka xogta, ama faylasha murashaxiinta xisbigaasi uga tartamaya degmo-doorashooyinka dalka.

Iyadoo ay maanta ku ekayd mudadii ay komishanka doorashooyinka qaranku u qabteen xisbiyadda siyaasadda in ay ku soo gudbiyaan macluumaadka iyo xogta murashaxiinta saddexda xisbi uga tartamaya goleyaasha deegaanka ee  dalka.

Sida uu sheegay af-hayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni, iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa.

Waxaanay sheegeen masuuliyiinta Kulmiye in komishanka doorashooyinka ee lixda gobol  ee dalka ay u gudbiyeen xogta murashaxiinta uga tartamaya xisbigaasi 18-ka-degmo-doorasho ee dalka iyo tiradoodii oo dhamaystiran.

Kadib markii ay guddiga kala xulista murashaxiinta ee xisbigaasi muddo saddex bilood ah ku hawlanaayeen kala hufista iyo kala haadinta xubnaha doonaya in ay u tartamaan goleyaasha deegaanka dalka.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)