fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaGuddiga Kala Xulista Murashaxiinta Waddani Oo Soo Gebagabeeyay Hawshoodii

Guddiga Kala Xulista Murashaxiinta Waddani Oo Soo Gebagabeeyay Hawshoodii

    

Guddiga kala xulista murashaxiinta u tartamaya goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ee xisbiga Waddani ayaa shaaciyay in ay soo gebagabeeyeen hawshii kala xulista murashaxiinta.

Kadib markii ay guddigaasi kala haadinta xubnaha tartamaya ku hawlanaayeen muddo saddex bilood ah, isla markaanay ay ka shaqaynayeen  waajafinta shuruudaha murashaxiinta ee xeer-daamiyaha iyo heer-hoosaadka xisbiga.

Guddigaasi oo ka kooban 13-xubnood ayaa mudaddii saddexda bilood ahayd waxay baadhis ku samaynayeen aqoonta, waayo-aragnimadda iyo buuxinta shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo guddoomiye u ah guddigaasi oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga Waddani ee magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u gunaanadeen hawshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod.

Waxaanu xusay in  ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI.

Shirka jaraa’id ee xildhibaan C/qaadir Jirde, waxaa  ku wehelinayay  masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir