fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararka“Waa nasiib darro in Somaliland noqotay dalka ugu shiidaalka qaalisan

“Waa nasiib darro in Somaliland noqotay dalka ugu shiidaalka qaalisan

    

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa xukuumadda talladda Somaliland haysa ku dhaliilay in ay ka gaabisay wax ka qabashadda korodhka ay shirkadaha soo dejiyaa ku sameeyeen qiimaha shiidaalka.

Hadalka xisbiga UCID ayaa imanaya iyadoo ay maalmahanba isa soo tarayso cabashadda ka soo yeedhaysa gaadiidleyda dadweynaha ee magaallooyinka Somaliland ee la xidhiidha kor u kaca ku yimid qiimaha shiidaalka.

Arrintaasi oo uu xisbiga UCID ku tilmaamay mid nasiib darro ah in xukuumadii shacabka masuulka ka ahayd aanay ilaa hadda wax tallaabo ah ama jawaab ah ka bixinin cabashadda bulshadda ee  ku aadan kor u kaca ku yimid qiimaha shiidaalka.

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Kayse Yuusuf C/laahi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in marka laga soo bilaabo  shanti bishii koowaad ee sanadkan ilaa maanta inuu sideed jeer is bedelay qiimaha shiidaalku.

Xoghayaha warfaafinta UCID  ayaa ku dhaliilay in xukuumadii arrintan wax ka qaban lahayd ay ku mashquulsan tahay kala xulista murashaxiinta xisbiga Kulmiye, ayna dhegaha ka furaysatay cabashadda shacabka.

Waxaanu yidhi, “Waxaan aad iyo aad uga xumahay, in xukuumadii ku mashquushay murashaxiintii iyo doorashadii, oo shacbigii baylah yahay.

Laga soo bilaabo shanti bishii koowaad ee sanadkan, ilaa maanta qiimaha shiidaalku sideed jeer ayuu is bedelay”.

Geesta kale Yuusuf Kayse, ayaa ku eedeeyay masuuliyadda arrintaasi shirkadaha soo dejiya shiidaalka oo ay xukuumadu Kooto ugu xidhay.

Kuwaasoo  iyadoo aanu jirin wax kor u kac ah oo ku yimid qiimaha shiidaalka guud ahaanba caalamka ay shirkadaha Somaliland kor dhiyeen.

“Cida waxaa samaynaysaana waa cidii, kootadda loogu xidhay shiidaalka. Adduunyadda ma jirto meel uu shiidaalka tafaariiqda ah ka kaco.

Waxaa nasiib daro ah in aan noqonay wadamadda Geeska Afrika, wadanka ugu shiidaalka qaalisan” ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID, ayaa ka hadalka arrintan ee xisbi ahaan ayuu ku tilmaamay in ay ka mid tahay masuuliyadda xisbiyadda mucaaradka ah in ay farta ku fiiqaan hadba wixii mushkilad ah ee bulshadda ku soo kordha in ay ka hadlaan.

“Sida dastuurka iyo xeerarka dalku ay sheegayaan, waa masuuliyad xisbiyadda mucaaradku leeyihiin in ay ka hadlaan hadba wixii mushkilad ah ee bulshadda ku soo kordha” ayuu yidhi Yuusuf Kayse

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir