Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaTirada Bukaanada Cisbitaaladda Somaliland U Jiifa Xanuunka Covid-19 oo La Shaaciyay

Tirada Bukaanada Cisbitaaladda Somaliland U Jiifa Xanuunka Covid-19 oo La Shaaciyay

Tirada Bukaanada Cisbitaaladda Somaliland U Jiifa Xanuunka Covid-19 oo La Shaaciyay

0
1025
    

Hargeisa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shaacisay tirada Bukaannada Cisbitaaladda u Jiifa xanuunka Covid-19-

Agaasime Xergeeye ayaa hadalkan ka sheegay mar uu booqday Cisbitaalka Daryeel oo lagu dabiibo dadka uu soo rito xannuunka Covid-19.

Cisbitaalka Daryeel ayaa wakhtigan ay ku jiraan 13, bukaan ah oo u jiifa xanuunka Covid-19, sida uu sheegay Dr. Yuusuf Garaw oo ah agaasimaha Cisbitaalka Daryeel.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in booqashada ay u yimadeen Cibitaalka Daryeel ay la xidhiidho sidii loo dar-dar gelin lahaa wada shaqaynta Citaalka Hargeysa oo dadka xanuunka lagaga baadho iyo Cibitaalka Daryeel, isaga oo sheegay in Cibitaalka Hargeysa ay cudurka u jiifaan 11, qof, taas oo tirada guud ee bukaanada labadan dhakhtar ku jira ka dhigaysa 24, qof.

Agaasimuhu wuxuu ugu baaqay bulshada in ay qataan fariimaha Caafimaadka iyagoo ilaalinaaya masaafada kala fogaanta iyo Af-xidhka, waxaanu bulshada gaar ahaan dhalinyarada ugu baaqay in si gaara loo ilaaliyo dadka waaweyn ee Da’da ah iyo kuwa xanuunada la nool oo cudurkan u nugul.

Ugu dambayn wuxuu agaasimuhu sheegay in maanta uu dalka soo gaadhay tallaalka Covid 19, oo hor dhac ah, laguna talaali doono shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya dadka uu xanuunkani asiibo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)