fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGuddiga Doorashooyinka oo Cayimay Goobo Gaar Ah iyo Maalmo Loo Kordhiyey Sool,...

Guddiga Doorashooyinka oo Cayimay Goobo Gaar Ah iyo Maalmo Loo Kordhiyey Sool, Sanaag iyo Saaxil

    

Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo soo gebo-gabeeyey qaybinta Kaadhka Codbixinta, ayaa maalmo u kordhiyey, goobo gaar ahna u cayimay gobollada Sool, Saaxil iyo Sanaag oo wejiga koowaad ee kaadh-qaybinta laga bilaabay 11-kii bishan Maarso 2021.

Qoraal wargelin ah oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayey ku Caddeeyeen maalmaha la kordhiyey iyo degmo kasta goobaha laga sii qaadan karo kaadhadhka maalmahaas dheeraadka ah,waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:-

“KDQ ayaa ku dhawaaqay Muddada & Goobaha Kordhinta Kaadh-qaadashada Gobolada Saxil, Sool & Sanaag. Muddadii 3da Cisho ahayd ee hore loogu asteeyey goboladan ayaa ku eekayd 13kii March 2021.

Codbixiyayaasha Isdiiwaangeliyey Diiwaangelintii 2020/2021 amma kuwii Isdiiwaangeliyey 2016 hase ahaatee aan wali qaadan Kaadhadhkoodii ayaa haysta fursad dahabiya oo ay ku doontaan Kaadhadhkoodii muddada lagu gudo-jiro Ayaamaha Dheeraadka ah ee la Kordhiyey.

Iyagoo tagaya Degmadii ay iska Diiwaangeliyeen gaar ahaana Goobta Kordhinta ee ku cayiman #Ogaysiiska KDQ ee hoos ku xardhan.” Sidaa ayey qoraalkooda ku yidhaahdeen Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir