fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaDalalka Germany, France, Italy iyo Spain oo Joojiyay Isticmaalka Tallaalka AstraZeneca

Dalalka Germany, France, Italy iyo Spain oo Joojiyay Isticmaalka Tallaalka AstraZeneca

    

B Dalalka Germany, France, Italy iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xidhay xididada dadkii qaatay tallaalkaas.

Waddanka Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijiyay in haweeneyd 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadaay tallalka AstraZeneca, kaddibna ay xidhmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka dalkaas.

Madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta Salaasada ah uu shir guddoominayo kulan lagaga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay inay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hay’adda caafimaadka Yurub ee EMA.

Dalka Germany ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee COVID-19, waxaana isbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buux dhaafaan.

Wasiirka Caafimaadka ee Jarmalka Jens Spahn iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Talyaaniga Gianni Rezza ayaa sheegay in kasta oo halista xinjirowga dhiigu ay yartahay hadana aan meesha laga saari karin waxyeelada tallaalkan.

Spahn ayaa sheegay in joojinta tallaalkan uu soo jeediyay machadka cilmi-baadhista caafimaadka ee Paul Ehrlich, wuxuuna sheegay in taladaas ay ku qanacday dowladda Germany.

AstraZeneca oo dhinaceeda iska difaaceysa eedeymahan waxay sheegtay inay sameysay dib u eegis ku saabsan in ka badan 17 milyan oo qof oo ka qaatay tallaalkeeda dalka Midowga Yurub iyo Ingiriiska taas oo aan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan halista xinjirowga dhiigga ee laga soo sheegayo dalalka qaarkood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)