fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Laga Helay Coronavirus

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Laga Helay Coronavirus

    

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic), ayaa shaaciyay in uu ku dhacay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sidan ku shaaciya qoraal uu ku baahiyay Bartiisa Twitter-ka, wuxuuna sheegay inuu dhawrkii maalmood ee u dambaysay la tacaalayey cudur-dhaliyaha Covid-19.

Madaxweyne Ku-xigeenku qoraalka uu ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku yidhi sidan:- “Waxaan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa in aan la tacaalayay saddexdii cisho ee u danbeysay Xanuunka COVID-19, bulshada waxaan ku boorrinayaa in ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka, aniga iyo inta xanuusanna noo soo duceeyaan.”

Xanuunkan oo Qofkii ugu horreeyey dowladda Somaliland sheegtay in laga helay Bishii Maarso ee 2020-kii, isla markaana Dad ku dhaw boqol u dhinteen, in badanna soo ritay, ayey sannadkii hore Xubno golaha Wasiirrada ka tirsani sheegeen inuu ku dhacay oo laga helay Sadhadan sida xawliga ah u fidaysa ee Dunida saamaysay.

Hase yeeshee, Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiiraxmaan Ismaaciil Saylic, noqonayaa Masuulkii ugu sarreeyey ee sheega inuu ku dhacay Covid-19.

Sadhadan sida xawliga ah dunida ugu faaftay ee Covid-19, ayaa dhammaadka 2019-kii ka bilaabantay Dalka Shiinaha, waxaanu saameeyey Waddamada dunida oo idil oo uu ku dilay dad Malaayiin Qof, balse, waxa uu dib uga qarxay dalal badan oo caalamka ah oo ay Somalilandna ka mid tahay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)