fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaSomaliland: Guurtidda Oo Dood Ka Yeeshay Rebshadihii Ka Dhacay Dugsiyadda Gaarka Loo...

Somaliland: Guurtidda Oo Dood Ka Yeeshay Rebshadihii Ka Dhacay Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay

    

Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xaaladaha guud ee amniga ee caasimadda Hargaysa iyo dhacdooyinka inta badan ka dhaca iyo kuwo ka dhacay maalmihii u danbeeyay.

Waxaanay xildhibaanadu dooddoodaasi ku soo qaateen arrimaha dhinaca saxmadda inta badan ka dhacda magaaladda Hargaysa, isla markaana si maalinle ah u sababa dhibaatooyin kala duwan.

Sidoo kale waxay ka hadleen mudaharaadyo iyo rebshado khasaare sababay oo ay dhawaan sameeyeen ardayda wax ka barata qaar ka mida dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee  ku yaalla caasimadda Hargaysa.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaanadii doodda ka dhiibtay fadhigaasi waxay ka hadleen sidii waxyaabaha ka taagan caasimadda ee mushkiladda ku ah bulshadda in wax laga qabto.

Waxaanay intoodda badan sida aadka ah uga hadleen xildhibaanadu rebshado ay sameeyeen qaar ka mida ardayda wax ka barata dugsiyadda sare  ee  gaarka loo leeyahay ee   ku yaalla caasimadda Hargaysa.

Gaar ahaana dugsiga sare  ee Nuuradiin, oo laba todobaad ka hor mudaharaad ay dhigeen ardayda wax ka barataa ay khasaare hantiyeed ku gaadhsiiyeen qalabkii dugsiga iyo baabuur.

 

DAAWO: DOODII GUURTIDDA EE MAANTA:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)