fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaHargaysa: Munaasibad Lagu Shaacinayay Murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan+Sawirro

Hargaysa: Munaasibad Lagu Shaacinayay Murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan+Sawirro

    

Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagu qabtay munaasibad lagu shaacinayay murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, oo u sharaxan golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, kana sharaxan xisbiga UCID.

Xafladaasi oo ka dhacday hudheelka Maamuus ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbigaasi.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi soo buux dhaafiyay boqolaal taageereyaasha murashaxa oo isugu jiray Ragg iyo haween,  oo dhalinyaro iyo waayeelba lahaa, iyo madax dhaqameedka beeshiisa.

Munaasibadaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha dhaqanka, ciyaarahaasi oo si weyn u soo jiidatay dadkii xafladda joogay.

Waxaana munaasibadaasi hadalo ka jeediyay madax dhaqameedka, odayaasha iyo dhalinyaradda beesha murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, oo dhamaantoodaba cadeeyay in ay u soo xusheen inuu ku metelo golaha deegaanka Hargaysa.

Masuuliyiinta beesha murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, waxay sheegeen in ay codkoodda si buuxda u siinayaan murashaxa marka la gaadho doorashooyinka mudaysan in ay dalka ka dhacaan badhtamaha sanadkan.

Geesta kale waxaa munaasibadaasi lagu qaabilayay murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, khudbad ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo shaaciyay in ay aqbaleen murashaxnimadda Maxamed Axmed Iimaan.

 

DAAWO: KHUDBADII ENG. FAYSAL:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir