fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaBerbera: Derawaladda Gaadiidka Dadweynaha Oo Ka Cabaya Korodhka Qiimaha Shiidaalka

Berbera: Derawaladda Gaadiidka Dadweynaha Oo Ka Cabaya Korodhka Qiimaha Shiidaalka

Home 
    

Gaadiidleyda ka dhex shaqeeya magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qiimaha lagu iibiyo shiidaalka oo ay sheegeen inuu si weyn kor ugu kacay maalmahan danbe.

Derawladda gawaadhidda ay dadweynugu isticmaalaan ee  ka dhex shaqeeya Berbera waxay muujiyeen in arrintaasi ay dhibaato ku keentay noloshoodii iyo xataa mida qoysaskoodda.

Waxaanay ganacsatadda shiidaalka soo dejiya iyo kuwa iibiyaba ku dhaliileen in ay si xawli ah u kordhiyeen qiimaha shiidaalka, isla markaana aanay garanaynin sababta keentay xiligan.

Kuwaasoo  maanta magaaladda Berbera ka dhigeen mudaharaad ay ku muujinayaan qiimaha shiidaalka ee la kordhiyay iyo saamaynta xun ee ay ku keentay.

Qaar ka mida derawaladda gaadiidka dadweynaha Berbera ka dhex shaqeeya oo ay warbaahintu wax ka waydiisay cabashadood ayaa dhamaantoodba si isku mid ah u muujiyay dhibaatadda ay kala kulmeen kor u kaca qiimaha shiidaalka.

Derawaladan cabaya ayaa u badan kuwa ku shaqaysta gawaadhida yar yar  ee  loo yaqaano Tagaasida ee  ay dadweynaha shacabka ah raacaan  ee  ka dhex shaqeeya gudaha iyo deegaamadda u dhaw dhaw magaaladda Berbera.

Waxaanay sheegeen in iyadoo aanu jirin wax kor u kac ah oo ku yimid guud ahaanba dunidda qiimaha shiidaalka in ay ganacsadu ku kordhiyeen, maadaama sida caadiga ah ay isku xidhan yihiin suuqyadda caalamka ee   ka ganacsiga shiidaalka.

Geesta kale, gaadiidleydan cabanaya ayaa  dawladda Somaliland ugu baaqeen in ay arrintani wax ka qabato, isla markaana ay qiimayso dhibka ay ku keenayso bulshadda noloshoodda ku debarra gawaadhida.

DAAWO: Cabashadda Qaar Ka Mida Derawadda Gaadiidka Berbera:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)