fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaWalaahi bilaahi gacan baanu wax kaga qabanaynaa haday xishoon waayaan”

Walaahi bilaahi gacan baanu wax kaga qabanaynaa haday xishoon waayaan”

    

Guddiga nabadgeliyadda ee gobolka Togdheer ayaa soo saaray go’aamo lagu joojinayo barnaamijyo mada-daalo ah oo ay qabtaan hudheeladda magaaladda Burco.

Waxaanay guddigu wacad ku mareen in aanay dhici doonin in magaaladda Burco lagu qabto barnaamijyo caways ah ama mada-daallo iyo suugaan ah oo waayadan danbe ay bilaabeen qaar ka mida hudheeladda magaaladaasi.

Xubnaha guddiga nabadgeliyadda Togdheer oo uu wehelinayay maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa nidar ku maray in ay tallaabo ka qaadi doonaan hudheeladda isku daya in ay qabtaan cawaysyadda habeenkii ee ay dhalinyaradu isugu yimaadaan.

Amarkan ay guddiga nabadgeliyadda Togdheer ku soo rogeen hudheeladda Burco waxay u cuskadeen in culimadda magaaladda Burco ay cabasho uga soo gudbiyeen arrintaasi.

Kuwaasoo barnaamijyadda hudheeladda lagu qabto ku tilmaamay in ay yihiin waxyaabo diinta islaamka lidi ku ah, isla markaana fasahaad ku keenaya bulshadda.

Tallaabadani ayaa ka dhalatay kadib markii habeenkii xalay hudheelka Isha Burco oo ku yaalla magaaladda Burco lagu qabtay bandhig faneed ay heeso iyo maaweelooyin ku dhigayeen xubno fanaaniin ah.

Maxamed Yuusuf Muraad, maayarka magaaladda Burco oo go’aamadaasi akhriyay ayaa dhaar ku maray in haddii ay mulkiileyaasha hudheeladaasi joojin waayaan barnaamijyadaasi in ay iyagu gacantoodda ula tegi doonaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir