fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMurashax Mustafe Shiraaqle Oo Socdaal Ku Soo Maray Deegaamo Ka Tirsan G....

Murashax Mustafe Shiraaqle Oo Socdaal Ku Soo Maray Deegaamo Ka Tirsan G. Maroodijeex

    

Murashax Mustafe Muuse Shiraaqle, ayaa socdaal uu bulshadda ku wacyigelinayay in qaa5taan kaadhka codbixinta ku tegay deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Waxaanay murashaxa iyo wefti uu hogaaminayay ay kormeer ku soo mareen deegaamo hoos yimaadda degmooyinka Cadaadley iyo Sabo-wanaag, oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Mustafe Muuse Shiraaqle, ayaa u sharaxan tartanka doorashadda golaha Wakiiladda ee inagu soo foolka leh, isla markaana ka sharaxan xisbiga talladda dalka haya ee Kulmiye gaar ahaana gobolka Maroodijeex.

Murashaxa oo ay wehelinayeen xubno ka mida madax dhaqameedka beeshiisa, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa dadweynaha deegaamadii ay soo mareen waxay shacabka ku baraarujinayeen in ay qaataan kaadhka codbixinta.

Waxaana si balaadhan loogu soo dhaweeyay murashaxa iyo masuuliyiintii wehelinayay dhamaanba deegaamadii ay socdaalka ku soo mareen oo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Sabo-wanaag iyo Cadaadley iyo deegaamadda hoos yimaadda.

Iyadoo ay dadweynuhu ku qaabileen iyagoo ruxayay caleemo qoyan, isla markaana ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayeen soo dhawayntoodda.

Murashax Shiraaqle, ayaa ku dhiiri geliyay dadweynaha deegaamadda Cadaadley iyo Sabo-wanaag in ay qaataan kaadhka codbixinta, si ay u doortaan masuuliyiin ku metela goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka.

Geesta kale, cuqaashii, waxgaradkii iyo siyaasiyiintii socdaalka ku wehelinayay murashax Mustafe Muuse Shiraaqle, ayaa bulshadda deegaamadii ay soo mareen ku dhiiri geliyay in ay codkoodda siiyaan murashax Shiraaqle, marka la gaadho codbixinta doorashooyinka.

 

Daawo: Deegaamadii Uu Kormeerka Ku Soo Maray Murashax Shiraaqle:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)