fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaGolaha Guurtida oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Sahaminta Shidaalka Dalka

Golaha Guurtida oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Sahaminta Shidaalka Dalka

Sahaminta Shidaalka Somaliland
Sahaminta Shidaalka Somaliland
    

Fadhi ay maanta yeesheen Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa ay Xildhibaanadu dood adag kaga yeesheen Xeerka Sahaminta Shidaalka dalka.

Fadhigan oo shir gudoominaayey gudoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanada golahaasi dood iyo falayn qayn ka yeesheen xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021.

Xildhibaanadii dooddaas ka qayb-qaadanayay ayaa waxaa ka mid ahaa, xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan, Xildhibaan Jirde Siciid, Xildhibaan Sahal Iidle Dirir iyo Xildhibaan Cabdicasiis Gaaxnuug.

Waxanay Xildhibaanadu ku doodeen in xeerkaasi yahay mid qaranku u baahan yahay, waxaanay shirgudoonka u soo jeediyeen in guddi loo saaaro.

Ugu dambayn shirgudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa xeerka Sahaminta Shidaalka xeer lambar 95/2021 ay ku wareejiyeen guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay kaabis iyo wax kabadal ugu soo sameeyaan, isla markaana ay dib ugu soo celiyaan golaaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)