fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaCiidamadda Booliska Somaliland oo Xabsiga Dhigtay 8 Arday oo Waxka Barta Dugsiga...

Ciidamadda Booliska Somaliland oo Xabsiga Dhigtay 8 Arday oo Waxka Barta Dugsiga Salaama

Ciidamadda booliska Somaliland ayaa waxa ay maanta xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah Arday waxka barta Dugsiga Salaama ee magaaladda Hargeysa.

Ardaydan ay ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen ayaa waxa ay tiradoodu ahayd sideed Arday.

Waxanay Ardaydani ay qorsheynaayeen in ay dibad-baxyo ka sameeyaan iskuulka Salaama, iyadoona kadib ay ciidamada ammaanku qab-qabteen, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ogaadeen dhalinyaradan oo isku abaabuleysa WhatsApp Group, kadibna xabsiga loo taxaabey, islamarkaana Sharciga la hor geyn doono.

Todobaadkan ayay ahayd markii Ardayda Dugsiga sare ee Salaama ee Wiilasha u gaarka ah ee magaalada Hargeysa ay sameeyeen bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Amarro Maamulka Iskuulkaasi ku soo rogay, iyadoona ay sidoo kale Ciidamadda Boolisku xabsiga u taxaabeen maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir