fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Burco ama waxay noqon doonntaa Somaliland ama meel maamul goonniya leh”…

“Burco ama waxay noqon doonntaa Somaliland ama meel maamul goonniya leh”…

    

Mulkiilaha hudheelka Isha Burco oo ku yaalla magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer Jaamac Maxamuud Aadan (Jaamac-karaaciin), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aamo ay maanta soo saareen guddiga nabadgeliyadda gobolka Togdheer.

Go’aamadaasi ay guddigu soo saareen ayay ku mamnuuceen in aan gebi ahaanba hudheeladda magaaladda Burco lagu qaban Karin barnaamijyo la xidhiidha suugaanta iyo madda-daallo isugu jira.

Tallaabadaasi ayuu Jaamac Karaaciin, ku tilmaamay mid aan la qaadan Karin oo lagu diidan yahay horumarka gobolka Togdheer iyo in barnaamijyo maaweelo iyo cawaysyo ah loo qabto bulshadda.

Jaamac Karaaciin, ayaa ah ciyaartooy caan ka ah dhulka Soomaalida, isla markaana waxa uu marar kala duwan xiligii dawladii kacaanka ee Soomaaliya tartamo heer caalami ah u saftay qarankii Soomaaliya.

Ganacsade Jaamac Karaaciin, ayaa ka mid ah ganacsatadda maalgashiga ka hirgeliyay magaaladda Burco, waxaanu sanadkii hore magaaladda Burco ka hirgeliyay hudheel weyn oo magaciisa la yidhaahdo Isha Burco.

Amarka ay guddiga nabadgeliyadu soo saareen ayaana daba socday kadib markii habeenimadii xalay hudheelka Isha Burco ee uu mulkiilaha ka yahay Jaamac Karaaciin, lagu qabtay bandhig faneed ay ka soo qayb galeen fanaaniin kala duwan.

Jaamac Karaaciin, oo maanta magaaladda Burco warbaahinta kula hadlay ayaa iska difaacay dhaliilaha ay guddiga Togdheer ka muujiyeen bandhigyadda lagu qabto hudheeladda Burco.

Waxaanu si gaara u weeraray  maayarka Burco oo uu ku dhaliilay inuu ka gaabiyay horumarinta magaaladda iyo sidii loo abuuri lahaa wxyaabo loo samaynayo dhalinyaradda iyo bulshadda magaaldaasi.

Sida dhismaha Garoonka kubbadda Kollayga oo uu Jaamac Karaaciin, doonayay inuu magaaladda Burco ka dhiso, balse uu maayarka Burco ka cago-jiiday, sida uu sheegay Karaaciin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)