fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaBadhasaabka Sool Oo Kormeeray Goobaha Qaadashadda Kaadhka Codbixinta

Badhasaabka Sool Oo Kormeeray Goobaha Qaadashadda Kaadhka Codbixinta

    

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta ee jihadda Hadka gobolkaasi.


Badhasaabka Sool waxaa kormeerkaasi wehelinayay xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol ee Sool.
Waxaanay masuuliyiintaasi soo kormeereen hab sami socodka qaadashadda kaadhka codbixinta oo maalintii saddexaad ka socoto gobolkaasi.


C/qani Jiidhe, oo ka warbixiyay u jeedada kormeerkaasi waxa uu sheegay in qaadashadda kaadhka codbixintu ay si wanaagsan uga socotay dhamaanba goobihii ay soo mareen.
“Waxaan saaka kormeer ku soo kala bixinay goobaha Hawdka ee gobolka Sool.
Aniga iyo komishanka heer qaran, heer gobol iyo heer degmo. Si habsami ah bay uga socotay, oo lagu diirsado” ayuu yidhi badhasaabka Sool.


Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaana bulshadeena ka muuqday bisayl badan. iyagoo codsi waxtara u soo jeediyay komishanka doorashooyinka qaran”.
Geesta kale, guddoomiyaha Sool waxa uu faahfaahin ka bixiyay deegaamadii ay kormeerka ku soo mareen.


Waxaanu yidhi, “Goobaha aan soo marnay waxaa ka mida Ceel-jeex, Gobdheero, Dhumay, Gocondhaale, Candho-qoys, Dharkayn, Saaxdheer, Dabataag, Gog-dheer Candho-lule, Kalabaydh A, Kalabaydh B, iyo Qaydar”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)