fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaMujaahid Cabdisalaan Turki oo Baaq U Diray Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka

Mujaahid Cabdisalaan Turki oo Baaq U Diray Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka

Mujaahid Cabdisalaan Turki
Mujaahid Cabdisalaan Turki
    

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki), oo ka mid Mujaahidiintii SNM, ayaa ka digay wax kasta oo nabadgalyada iyo xasiloonida dalka khal-khal ku keenaya, waxaanu ku baaqay in laga hor tago, laguna dedaalo wax kasta oo keeni kara dhibaatooyin.

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladdii Siyaad Barre, waxaynu kula dagaalanay waa dulmi iyo hagardaamo ay inagu haysay, waxaana inaga mar kasta waxaa  la inaga rabaa inaynu ka fogaano wax kasta oo dulmiga keenaya, aynu dhaqan ka dhigano cadaaladda oo Dugsiyadu si fiican wax ha ugu dhigaan Ardayda, oo culays iyo cadaadis haddii ay Ardaydu tirsanayaan ha ka dayaan, Ardayduna ha iska ilaaliso wax kasta oo buuq, dhibaato iyo nabadgalyo daro keenaya”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyin baynu galaynaa, ee Xisbiyada waxaa looga baahan yahay inay si fiican u tartamaan, oo ay iska ilaaliyaan wax kasta oo cadaawad keenaya, Komishankana waxaa laga rabaa inuu si fiican ugu garsooro Xisbiyada”.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlaayey Micaarajka Nebiga iyo qiimaha uu leeyahay, waxaanu ku taliyey in mar kasta muslimiinta laga rabo inay nebigooda saligiisa badiyaan, kana difaacan cid kasta oo wax ka sheegta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)