fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaSoomaaliya iyo Talyaaniga oo Kala Saxeexday Heshiis Dayn Cafin Ah

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Kala Saxeexday Heshiis Dayn Cafin Ah

Soomaaliya iyo Talyaaniga
Soomaaliya iyo Talyaaniga
    

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxeexday Heshiis ku saabsan dayn deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaa Soomaaliya heshiiskan u saxeexay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Halka Talyaaniga uu heshiiskan u saxeexay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi.

Heshiiska deyn cafinta ee ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa daba socda go’aankii dalalka Paris Club ama Naadiga Paris  ee Soomaaliya lagaga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

“Maanta waxa aan Dowladda Talyaaniga la saxeexanay heshiis Deyn Cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya lagaga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii. Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay Saxeexa maanta inoo suuro galay.”. Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loo dhamaystiri lahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha faraha badan ee wali lagu leeyahay.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in deyn badan Soomaaliya laga cafiyay sanadkii la soo dhaafay ee 2020-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)