fbpx
Saturday, March 2, 2024
HomeWararkaDowladda Imaaraadka oo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Siisay “Golden VISA

Dowladda Imaaraadka oo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Siisay “Golden VISA

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi
Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi
    

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ah Guddoomiyaha shirkadda MSG siisay dal ku galka dahabka ah ee UAE ee loo yaqaano “Golden VISA”.

Maxamed Aw Siciid Geeddi, ayaa ka mid noqonaya dadka Afrikaanka ah ee ugu horeeya ee ay dawladda UAE siiso “Golden VISA”.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa dal-ku-galkan siisa ganacsatada dunida ee maalgashiga ku sameeya dalka Imaaraadka si ay Visa la’aan ugu noolaadaan ugana shaqaystaan dalka UAE.

Saraakiil ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa toddobaadkan guddoonsiiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid “Golden VISA”, waxaanu ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ka dareen celiyay dal-ku-galkan la siiyay uu dawladda UAE uga mahadceliyay hedyadda qaaliga ah ee ay guddoonsiiyeen, isagoo sheegay inuu dalka UAE ka faa’iiday khibrad uu ku horumariyay ganacsigiisa.

Wargeysyada ugu caansan dalka UAE ayaa khamiistan maanta warbixino kala duwan ka qoray dal-ku-galka la siiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo weliba ganacsigiisa, waxaanay sheegeen inuu Maxamed Aw Siciid ganacsigiisa ka soo bilaabay meel hoose, isagoo hadda gaadhsiiyay inuu noqdo ganacsiyada Afrika ugu caansan ee aflaxay.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, ayaa ah ganacsade maalgashiyo kala duwan ku sameeyay dalal badan oo dunida ah oo ay Somaliland ku jirto oo uu geliyay lacag aad u badan oo uu ku keenay adeegga VIber OPTIC ee Internetka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)