fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaMadaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Xukuumadiisa+...

Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Xukuumadiisa+ Tirada Xilalka Banaan Ee Ubaahan In La Buuxiyo!

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dhawaan isku shaandhayn ku samaynayo Xukuumaddiisa.

Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay arrintaasi, laakiin ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhaynayo Xukuumaddiisa isla-markaana uu ku soo darayo Wejiyo cusub.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ku soo darayo Weji cusub, kuwaasi oo qaarkood buuxin doonaan Jagooyin ay banneeyeen Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahaa, balse Toddobaadkii hore isku casilay inay ka qayb-galaan tartanka doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021.

Waxa la sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale eryi doono qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaarkood u beddeli doono Wasaarado kale, halka uu Wasiirro cusubna soo Magacaabi doono.

Xilligan, waxa bannaan Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ka dib markii uu is casilay Wasiirkii wasaaraddaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada, waxa kale oo bannaan Afhayeenka Madaxweynaha, ka dib markii uu iscasilay Afhayeenkii hore Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo Xilal dhowr ahi ka bannaan yihiin Hay’adda Waddooyinka Qaranka, ka dib markii Masuuliyiinta Hay’addaasi badankoodu isku Casileen.

 

XIGASHO;WARGAYSKA GEESKA

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)