fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaGolaha Wakiillada Oo Wacad Ku Maray Inay Dib U Eegis Iyo Wax...

Golaha Wakiillada Oo Wacad Ku Maray Inay Dib U Eegis Iyo Wax Ka Baddel Ay Ku Samaynayaan Xeerka Axsaabta Qaranka Iyo Guddoomiyayaal Farta Lagu Fiiqay

Xildhibaan Xaamud iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin “ Cabdiraxman Dheere” iyo Xildhibaano kale ayaa soo jeediyey inta aan wakhtigu dhammaan in Xeerka Axsaabta Qaranka ay mudnaanta siiyaan muddanayaashu,isla markaana loogu soo horaysiiso xeerka hor yaalla Golaha hadda, waxaana xusid muddan inay arrintaas ku tageeraan shir guddoonka iyo xildhibaannada kale.

Xildhibaan Xaamud ayaa waxa kamid ahaa haddaladisii uu shalay ka jeediyey xarunta golaha Wakiilladda kuwan:-“ Xeerkani wuxuu ahaa intii aan la ansixin xeerkii doorashooyinka in isaga la ansixiyo,waayo wax-yaabo baddan ayaa kaga xidhnaa doorashada,haddii aynu dib u dhignay maanta yaan dib loo dhigin xaga hore aynu soo dhigno,waa in xeerkaa lambar  afar iyo tobban 14-  waa in lasoo hormariyaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xaamud

Xildhibaan Cabdiraxman Dheere  ayaa sheegay in Guddoomiyayaasha Xisbiyaddu ay noqdeen qaar kood  kuwa muqaaxiyo ay leeyihiin ka dhigtay Xisbiyadda, isla markaana aan loo baahnay inay afar xili noqdaan Guddoomiye iyo Musharraxiin, isagoo sheegay laba sababood oo uu u doonnayo in Xeerkaas dib loogu eego “Waxa weeye xeerka Xisbiyadda laba arrimood ayaan ku sababaynayaa, xeerkaas mihiim  ayuu yahay  inagoo aan dhammaystirin waa in aanaynu ka tegen meeshaas,midi waxa weeyaan Xisbiyaddeenii qaar kamid ah  oo caddaystay inay fadhiyaan labatankii sanno ee ugu dambeeyey,Guddoomiyenimadiina afar xili u sharraxan, Madaxweynenimadiina afar xili u sharraxan iminkana sharraxan oo aan doonnayn inay meesha ka tagaan oo doonnaya inay muqaaxi ay leeyihiin ka dhigtaan,inaynu xeerkaa ku noqono sababta koobaad ayaan uga dhigayaa, Sababta labaad waxa weeye Komishankii aynu hawshaa u dirnay xisbiyaddu waa hawlgab weeye, mushahar uun ayey qaataan,hawl alliyaalo hawl ay qabtaan ma jirto,labadaa sababood awgood waxaan leeyahay xeerkaas innaga oo dhammaystirin oo mudnaanta siinin yeynaan ka tegin,waan adkaynayaa arrinkaas.” Ayuu sheegay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)