fbpx
Thursday, October 5, 2023
HomeWararka20 Qof Oo Ku Geeriyooday Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Equatorial Guinea

20 Qof Oo Ku Geeriyooday Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Equatorial Guinea

    

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyooday qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay magaaladda Bata ee dalka Equatorial Guinea.

Sidoo kale waxaa qaraxyadaasi oo ilaa afar qarax ahaa ku dhawaacmay ku dhawaad 400, oo qof. Sida uu xaqiijiyay  wasiirka caafimaadka dalkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xero milateri oo ku taalla magaaladda Bata ee caasimadda dalka Equatorial Guinea, oo ka mida wadamadda ku yaalla badhtamaha qaaradda Afrika.

Weli ma cadda waxa sababay qaraxyadaasi, hase yeeshee warbixinaha hor dhaca ah ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen hub ciidan oo yaallay xeradda ay qaraxyadu ka dhaceen.

“Waxaan maqalnay dhawaqa qaraxa, kadibna waxaan aragnay Qiiq, laakiin ma garan karno waxa dhacay”  sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay qof dadka deegaanka ah oo magaciisa la yidhaahdo Teodoro Nguema.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Equatorial Guinea, ayaa baahiyay muuqaaladda maydad ay dadku ka soo hoos saarayeen dhismeyaasha dumay.

Sidoo kale warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa baahiyay fariimo ay cusbitaaladdu ku  dalbanayaan Dhiig, si dadka dhaawacmay loogu shubo.

Geesta kale, tiradda dhimashadda iyo dhaawaca ayaa la filayaa in ay kor u kacdo, maadaama oo weli ay socdaan hawlaha samato-bixinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, magaaladda Bata waxaa ku nool dad tiradoodda lagu qiyaaso 800,000 oo kun oo qof, kuwaasoo ka mid ah 1.4 milyanka qof ee tiradda guud ee dadka ku nool dalkaasi.

Dalka Equatorial Guinea ayaa lagu tilmaamaa wadamadda Afrika ee qaniga ku ah Saliidda, inkastoo dadkiisu ay faqri yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)