fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXoghayaha Guud Ee Wakiillada Oo Sharaxay Qodobo Mihiima oo lagu Majeerto Xisbiga...

Xoghayaha Guud Ee Wakiillada Oo Sharaxay Qodobo Mihiima oo lagu Majeerto Xisbiga Kulmiye

    

Xughayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ku ammaanay in xisbigu talo wadaag guud leeyahay, islamarkaana uu isu tanaasulo marka dhexdiisa wax ka dhacaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xisbiga KULMIYE, lixdankii kursi ee uu kulahaa golaha wakiillada uu ogolaaday in lagula tartamo.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in uu yahay xisbiga kaliya ee aanay is baddelin tirade golihiisa dhexe ee la yaqaano.

Xughaye Cabdirisaaq isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Qaangaadhnimada xisbiga KULMIYE, waa mid muuqata, laba jeer ayuu hantay jagada madaxtinimada ee dalka.

Waxaa lagu doortay waxaa weeyi, xisbiga KULMIYE dhexdiisa ayaa waxaa ka jira wada tashi, waxaa ka jira is qancin, waxaana ku badan qoodha, waanay isu soo noqdaan oo ma kala tagaan.

Xisbiga KULMIYE, waxaa weeyi waa xisbiga isaga oo xisbi Qaran ah oo soo baxay oo kursigii helay yidhi xisbinimadii halkaasi ayaan dhigayaaye ila tartama, waa xisbiga dhigay ee ogolaaday inay Dimuquraadiyadu kobocdo, golaha wakiillada lixdan kursi ayuu ku leeyahay, lixdanka kursi waxaa uu maanta ogolaaday in uu yidhaaho igula tartama.

Waxaa xisbiga kaliya ee la yaqaano  tiradiisa golaha dhexe inta ay tahay, ee aan khaldami karrin, madaxweynuhu ma kordhin karro, guddoomiyaha golaha dhexe ma kordhin karro, waala yaqaana waxaanu ka kooban yahay degaanada Somaliland oo dhan.

Xisbiga KULMIYE laba jeer ayuu guddoomiye yeeshay, laba jeerna madaxweyne ayuu yeeshay, maantana doorashadu maaha hebelo halkan jooga ee waxaa tartamaya KULMIYE iyo laba xisbi Qaran”.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)