Friday, March 29, 2024
HomeWararkaKhaliifka Murashaxa Golaha Wakiiladda Ee 2021-ka Intaynu Ka Aragnay

Khaliifka Murashaxa Golaha Wakiiladda Ee 2021-ka Intaynu Ka Aragnay

    

Jamhuuriyadda Somaliland 30-sanno waxay la dhitinaysa inay maamulka ku fidiso Gobolada Sool iyo Sanaag Bari & Budoodle. Halka duntu ka xidhmi la dahay waxay ahayd siyaasiyiinta degaanada u dhashay in badan oo kamid ahi aanay xanbaari ka rayn fariinta ah “Inay  danta Goboladaas iyo Ummadda  ku dhaqanba ku jirto inay Jamhuuriyadda Somaliland wax la qaybsadaan”.

30-kaas  sanno hal masuul ayaa tijaabada ka soo baxay muddo kooban,  5-sanno Wasiir uu aha iyo 4-sannadood oo uu  hoggaamiye Xisbi aha . Shakhsigaasi waa Cabdirisaaq Khaliif Axmed . Maha jibo la bood qoraalkaygu waxaanse raacinaya maraga uu ku noqday masuul aan xilka u soo shaqo tagin balse uga faa’ideeyay Qaranka iyo degaanada u baahna inay Dawladnimadu gaadho.

  1. 5-tii sanno ee uu Wasiirka aha Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahayd xilligii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo waxay Somaliland maamulka gaadhsiisay badi degaanada Gobolka Sool oo ay ku jirto Degmada Taleex oo markii hore aan ku jirin gacanta Somaliland.
  2. Wuxuu xanbaaray isagoo kalmaynaaya Madaxweynihiisi fariinti ahayd in ay shacabka Sool ku qancaan Ciidamadda iyo maamulka Somaliland una arkaan dantooda, taas oo meesha ka saartay rabshadihii iyo Dilalkii ka dhici jiray degaanada Gobolka.

Waxa barbar socday muddadaas wax qabadka kaabayasha Bulshada oo uu hormuud hirgaliye ka aha sida. Aasaaska Jaamacadda Nugaal, Cisbitaalka Laascanood oo laga qorsheeyay sanduuqa SSDF, wadooyinka magaalada, iyo mashaaric tiro badan oo fulay xil haynti Cabdirisaaq Khaliif.

Dabcan Madaxweynihii igmaday iyo isagoo aha siyaasiga Gobolka u qaabilsan Xukuumadda ayaa gulahaas wada laha .

  1. Cabdirisaaq Khaliif Axmed waa siyaasiga kaliya ee Garaadkiisi Garaad Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ku qanciyay inay Somaliland wax la qabsadaan sidaana uu ku yimi Garaadku Dalkiisi ilaa haddana Garaadka qudha ee Garaadadi Beesha Dhulbahante ka jooga Somaliland waa Garaad Jaamac Garaad Ismaciil waana tijaaboyinka hoggaamineed ee u qoray Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif.
  2. Markii uu noqday Hoggaanka Xisbiga Waddani (Guddoomiye ku-xigeenka koobaad) Tartankii doorashada Madaxtooyada Cabdirisaaq Khaliif wuxuu aha Jookarkii ka hirgaliyay in markii koobaad Mucaarid iyo Muxaafid loogu tartamo doorasho qof iyo cod ah Gobolka Sool.

In kasta oo Xisbigiisi aanu ku soo bixin doorashadii guud hadana Waddani wuxuu Sool ka noqday Xisbiga koobaad iyadoo ay dhanka kale ka soo jeedeen dhammaan masuuliyiinti degaankiisa sida Wasiirkii arrimaha gudaha iyo Guddoomiyihii Golaha Wakiilada, Wasiiradii kale, Xildhibaano + Xukuumadi oo ciidan iyo cududba isugu gaysay codka Gobolka Sool. Intaas oo dhan ayuu Mr. Cabdirisaaq Khaliif kaligii u jilib dhigay kana guulaystay.

Markale door muuqda oo tariikhda galay ayuu ka sameeyay diwaangalinti Gobolka Sool taas oo dhabaha u xaadhaysa mustaqbalka inay shacabka degaankaasi u codeeyaan cidii matali lahayd sida Gobolada kale . 50,000 (Konton Kun ) oo cod ayaa ku biiray diwaangalinti dhawaan dhammaatay Gobolka Sool.

Maanta iyo doorashada la filaayo Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu u sharaxan yahay Xildhibaan iyo Guddoonka Golaha Wakiilada haddi Alle idmo. Wuu heli kara waanu waayi kara waayo xagga sare ayaa wax laga doorta aadamuhu isku day ficil uunbay sameeyaan waxaanse hubaa haddii Alle u qadaro haddii uu Qaranka Somaliland Khaliif 2021 uu jagadaas u qabto inay noqon doonto israaci iyo Dawlad gaadhsiinti inta dhiman barriga Somaliland . Waan hubaa inuu inta dhiman dhammayn doono anoo ka tusaale qaadanaya intu soo qabtay.

Tusan.

Muniir Axmed Cigaal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version