fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaCiidamadda Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo Hawl-gallo Ka Fuliyay Badda

Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo Hawl-gallo Ka Fuliyay Badda

    

Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay hawl-gallo ka fuliyeen xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag iyo xeebaha ay Somaliland la wadaagto dalka Yemen.

Waxaana ciidamadaasi hogaaminayay taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Badda ee Saaxil.

Hawl-galkaasi oo qaatay muddo 24 Saacadood ah waxay ciidamadu ku sooq ab-qabteen Doonyo laga leeyahay dalka Yemen oo si sharci darro ah uga Kalluumaysanayay xeebaha  goboladda Saaxil iyo Sanaag.

Gaar ahaana deegaamadda Karrin iyo deegaan xeebeedka Shalcaw, inkastoo shaqaalihii watay Doonyahaasi ay wateen waraaqo ay sheegeen in loogu fasaxay in loogu faxasay in ay xeebaha Somaliland kaga Kalluumaystaan.

Kuwaasoo ku doodayay in waraaqahaasi  laga siiyay deegaamadda xeebaha ee Lughaya iyo Ceel-daraad iyo deegaanka Shalcow.

Waxaanay ciidamadu Doonyahaasi ka ururiyeen waraaqahaasi ay siteen oo qaarkood ah muddo dhaaf ahaayeen, iyadoo ay ciidamadu amar ku siiyeen Doonyahaasi in ay si deg deg ah uga baxaan xeebaha Somaliland.  Isla markaana waxay ka saareen biyaha Badda Somaliland.

Sidoo kale waxay ciidamadu soo kormeereen masaafo aad u dheer oo ka tirsan xeebaha  gobolka Sanaag.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)