fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBurco: Xisbiga UCID Oo Qaabilay Afar Murashax Oo U Tartamaya Goleyaasha Wakiiladda...

Burco: Xisbiga UCID Oo Qaabilay Afar Murashax Oo U Tartamaya Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka

    

Xisbiga mucaarad ah ee UCID ayaa shalay magaaladda Burco ku qaabilay afar murashax oo xisbigaasi uga kala tartamaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiiladda ee gobolka Togdheer iyo degmadda Burco.

Waxaana munaasibadaasi oo lagu qabtay magaaladda Burco ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, murashaxa madaxweyne ku-xigeenka UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan, masuuliyiinta xisbigaasi ee gobolka Togdheer.

Madax dhaqameedka beelaha ay ka soo jeedaan afarta murashax, taageereyaasha murashaxiintaasi, haween dhalinyaro cuqaal, iyo dadweyne kaloo fara badan.

Kuwaasoo balan qaaday in ay codkoodda siinayaan xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID marka la gaadho doorashooyinka.

Waxaana munaasibadaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiintii iyo madax dhaqameedkii kala duwanaa ee ka soo qayb galay, iyadoo ay xafladaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Daawo: Munaasibadaasi iyo hadaladii Laga Jeediyay:

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir