Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Wax yeelo kastoo qaranimadeena lala rabo iyo dabinada cadawgeenu

“Wax yeelo kastoo qaranimadeena lala rabo iyo dabinada cadawgeenu

    

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay qiimaha ay nabadgalyada iyo qaranimadu leedahay.
Waxaanu sheegay in aad la iskaga ilaaliyo wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Somaliland.
GuddoomiyahaSool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qaran iyo dal jira oo ka mid ah Caalamka ayeynu nahay, shardi kasta oo looga baahan yahay dal la aqoonsan yahayna waynu buuxinay.
Waliba heerka aynu gaadhnay waxaa jira Wadamo badan oo la aqoonsan yahay oo aan gaadhin, imikana waxaa dalkeena ka dhacaya oo aynu isku diyaarinaynaa Doorashooyin”.
“Markaas wax kasta oo lagu buun-buuninayo wax yeelo qaranimadeena lala rabo  iyo dabin kasta oo cadawgeenu inoo dhigayo ku dhici mayno, waxbana la inagu yeeli maayo, maxaa yeelay calankeena waa calan uu ku xardhan yahay tawxiidka ALLE, marka hore waxaynu ALLE uga mahadnaqaynaa nabaddaas uu inaga siiyey, oo ALLE ayey mar walba mahadi u sugnaatay” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaan kale oo aan Shacabkeena meel kasta oo ay joogaan leeyahay marnaba run ha moodina wararka been abuurka ah ee buun-buuntu ku jirto, ee qaranimadeena iyo dawladnimadeena lidka ku ah”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayuu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi, waxaan uga mahadnaqayaa, oo aan ku bogaadinayaa talaabadii iyo go’aankii uu qaatay, ee ahaa in kharashka ay Xukuumaddu ka bixiso Haweenka iyo Musharixiinta laga tirada badan yahay ee u tartamaya Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waa talaabo lagu farxo, waa talaabo uu Madaxweynuhu ku muujiyey sida uu mar kasta u qiimaynayo dadkiisa iyo dalkiisaba…”.


Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay Ciidamada kala duwan ee Somaliland mar kasta diyaar u yihiin inay qarankooda iyo dadkoodaba difaacan, kana difaacaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeelo u geysato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version