fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuc Lagu Taageerayo Beeralayda

Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuc Lagu Taageerayo Beeralayda

    

Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka daah-furtay barnaamij lagu taageerayo in ka badan 16-kun oo beeralay ah ka mida.

Munaasibad lagu qabtay huteelka Maansoor  oo mashruucaasi lagu shaacinayay waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda  Axmed Muumin Seed, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Rooble Cabdi Muuse, wasiirka wasaaradda Cadaaladda, madaxa Somaliland ee FAO.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiin  kale oo ka socday haayadaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso wasaaradda beeraha Somaliland.

Waxaanay wasaaradda beeruhu munaasibadaasi  ku faahfaahisay mashruucaasi lagu horumarinayo beeralayda dalka.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan Taakulada Beeralayda la siinayo lagu soo beegay xilliga Gu’ga oo ku beegan dhamaadka bishan March ee aan ku jirno.

Sidaasi darteed Beeralayda dalka looga baahan yahay inay ka faa’idaystaan, maaddaama oo Siidhka ama Shinnida Beeralayda la gaadhsiin doonaa uu yahay mid dabiici ah oo ay hore wasaaradda Beeruhu u beertay, isla-markaana u kaydisay.

Axmed Muumin Seed, ayaa u mahad-naqay  haayadaha ay wasaaradda beeraha wada shaqaynta leeyihiin oo ay ka mid tahay haayadda FOA.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Rooble Cabdi Muuse,  ayaa isna sheegay in qorshahani uu qayb ka yahay dedaallada wasaaraddu ku horumarinayso Beeraha iyo Beeralayda.

Sidaasi darteed Taakulo isugu jirta Siidh iyo qodaalka Saacado la gaadhsiin doono 16 Kun oo Beeralayda wadanka ka mid ah.

Munaasibadan lagu shaacinayay Taakuladan beeralayda loo fidinayo waxa kaloo  hadallo ka soo jeediyeen wasiirka Cadaaladda  Somalilan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)