Friday, April 19, 2024
HomeWararkaW. Caafimaadka Oo Baabuur Ku Wareejiyay Isku-duweyaasha Sool iyo Sanaag

W. Caafimaadka Oo Baabuur Ku Wareejiyay Isku-duweyaasha Sool iyo Sanaag

    

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta  gawaadhi kuwa gar gaarka deg deg ah ku kala wareejisay isku-duweyaasha wasaaradaasi ee goboladda Sool iyo Sanaag.

Gawaadhidaasi oo Unbalance-yo ahaa ayaa loogu tallo galay in loogu adeego hooyadda iyo dhalaanka marka ay la soo deristo xaalad caafimaad darro, si marka ay xanuunsadaan loogu soo qaado.

Baabuurtaasi waxaa markii hore gacanta ku haysay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, hase yeeshee dhawaan ayaa baabuurtaasi lagu soo wareejiyay wasaaradda caafimadka.

Iyadoo wasaaraduna maanta ku wareejisay xafiisyadda wasaaradda ee goboladda Sool iyo Sanaag, iyadoo ay ka hawl-geli doonaan deegaamadda ka tirsan goboladda Sanaag iyo Sool.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, oo isku-duweyaasha baabuurtaasi ku wareejiyay ayaa sheegay in ay si weyn isaga xil saareen sidii ay hooyadda iyo dhalaanka ugu heli lahaayeen gaadiid lagu gaadhsiiyo MCH-yadda.

Kadibna haddii ay MCh-yadu waxba ka qaban kari waayaan xaaladahoodda caafimaad loogu soo gudbin lahaa cusbitaaladda goboladda dalka.

Mahdi Cismaan Buuri, waxa uu tilmaamay in hadda ay goboladda dalku isaga filaadeen xagga oxygen-ta iyo xagga Ambulance-yadda iyo sidoo kale baabuurta gurmadka caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka ayaa kula dar-daarmay isku-duweyaasha in ay si weyn isaga xil saaraan ilaalinta iyo daryeelka baabuurtaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxaanan leenahay isku-duweyaasha ayaanay baabuurtaasi u xumaanin Bool yar, dayactirsadda, oo ilaaliya.

Waxaa looga baahan yahay isku-duweyaasha caafimaadka in ay gawaadhidan aanu ku wareejinayno iyo qalabkan caafimaadka, ilayn lacag buu inoogu fadhiyaaye, in ay ilaashadaan, oo ay dayactirtaan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Ruux waliba waxa uu masuul ka yahay waxa uu gacanta ku hayo. Waxaa aad gacanta ku haysaa, waa wax aad leedahaye, sidii wax aad leedahay u ilaali” ayuu yidhi wasiir Mahdi Cismaan Buuri.

Geesta kale Isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr. Naasir, ayaa tilmaamay in gaadiidkaasi ay baahi weyn u qabeen, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin.

Waxaanu balan qaaday in gawaadhidaasi ay adeegii loogu tallo galay sidiisa ugu fulin doonaan, isla markaana ay bulshadda gobolka Sanaag ugu adeegi doonaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version