Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMaamulka Dugsiyada Nuuradiin, Muxuu Ka Yidhi Dhacdadii Maanta Ee Dugsiga Sare iyo...

Maamulka Dugsiyada Nuuradiin, Muxuu Ka Yidhi Dhacdadii Maanta Ee Dugsiga Sare iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Maamulka Dugisiyada Nuuradiin
Maamulka Dugisiyada Nuuradiin
    

Maamulka guud ee Dugsiyada Nuuradiin, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay maanta wax uga dhaceen qaybta Wiilashada ee Dugsiga Sare ee magaalada Hargeysa iyo khasaaraha la gaadhsiiyey dhismaha iyo Agabka dugsiga.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed oo ay weheliyaan Maamuleyaasha dugsiyada iyo Guddoomiyaha dalladda Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ee Al-Fajri Cabdiraxmaan Ismaaciil, ayaa gelinkii dambe ee maanta warbaahinta la hadlay, waxaanu si faahfaahsan oga warramay qaabka ay maanta wax uga dhaceen Dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa wiilashada oo ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Mahad Ibraahim waxa uu ayaan-darro saamaynteedu bulshadu wada-gaadhayso ku tilmaamay waxyeellada iyo burburka ardaydu u geysatay dugsiga, waxaanu sheegay in baadhitaan lagu samayn doono dhacdadan iyo cid kasta oo ka dambaysay ama ku lahayd.

Dhacdadan ayaa timi kaddib markii Qaybta Wiilasha ee Dugsiga Sare ee Nuuradiin qaybtiisa Jigjiga ay bannaan-bax khasaare maaliyadeed sababay sameeyeen ardayda dugsigaas qaarkood, kuwaas oo sida la sheegay ka soo horjeestay go’aan maamulka dugsigu ku eryey mid ka mid ah ardayda oo sida la sheegay qoraallo cabasho oo dugsiga ku saabsan ku faafiyey baraha bulshada.

Ardayda gadoodday ayaa khasaare gaadhsiiyey agabka iyo dhismaha dugsiga iyo gaadiid ay leeyihiin macalimiinta dugsiga qaarkood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version