News

Deg-deg wasiirkii Arimaha Dibada somaliland oo iscasilay.

Byadmin

Mar 3, 2021

Hargeysa(Haldoornews):-Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi.
Faratoon, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay sida ay sheegeen illo-xogogaal ah.
Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa.

maanta isaguna sidoo kale waxaa iska casilay xilkii uu hayey Afhayeenkii Madaxtooyada somaliland Maxamuud jaamac warsame oo u sharaxan isaguna sidoo kale golaha wakiilada somaliland .

 

Haldoornews kala soco cusub oo khuseeya arimaha doorashooyinka iyo masuuliyiinta la filayo in ay iscasilaan.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *