fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaWasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Dhallinyarada Uga Digtay Inay Si Xun...

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Dhallinyarada Uga Digtay Inay Si Xun U Xiirtaan, Kana Hadlay Muhiimadda Asturnaanta Hablaha

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu nahay ummad islaam ah, waxaynu nahay ummadda ugu fadliga badan, maadaama aynu xumaanta iska reebno, wanaagana aynu is farno, waxaynu nahay ummad boqolkiiba boqol islaam ah, waxaynu nahay ummaddii Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariista ALLE korkiisa ha ahaatee, Nabigeena Muxamed, waa Nebigii ugu dambeeyey ambiyada, ILLAAHAY wax buu inoo ogolaaday waxna wuu inaga xarimay, markaas wuxuu inaga xarimay inaynu ka dheeraano oo aynu ku camal falno wuxuu inoo fasaxay ayaa mar kasta la inooga baahan yahay, sidaas darteed diinteenu ma ogola in qofka cirdigiisa, sharaftiisa iyo xuquuqdiisa meel lagaga dhaco, inta badan baraha bulshada wax walba waa lagu soo qoraa, sidaas darteed waxaan leeyahay aad ha la iskaga ilaaliyo in baraha bulshada lagu faafiyo wax aanay diinteenu raalli ka ahayn, oo Dhalinyaro iyo Waayeelba waxaan kula talinayaa inay baraha bulshada dhinaca wanaagsan u isticmalaan, oo aanay dhinaca xumaanta aanay u isticmaalin”.

Mar uu baaq u dirayey Waalidiinta ayuu yidhi “Waalidiinta waxaan leeyahay ubadka ku barbaariya barashada quraanka, dhaqanka wanaagsan, salaadda, cibaadada oo ka war haya hadba halkay ubadkiinu joogaan, ha noqdaan goobaha waxbarashada, ha noqdaan Guryaha  iyo goobaha kaleba, dhanka kale waxaan Waalidiinta leeyahay ubadkiina iskugu jira hablaha iyo inamadaba, waxaa loo baahan yahay inaad ku waanisana inay joogteeyaan Cibaadada ay Salaaddu ugu horayso, iyo in si ixtiraam ku jiro loola dhaqmo dadka, waxaana guud ahaan Dhalinyarada leeyahay wanaagga mar kasta hala ilaaliyo, oo Inamadu timahooda ha u xiirtaan sida ay diinteenu ogoshahay, habluhuna mar kasta asturnaanta ha ku dadaalan”.

Dhanka kale, wuxuu guud ahaan Shacabka uga baaqay inay aad uga taxadiraan xanuunka Koronaha, waxaanu u soo jeediyey inay ilaaliyaan nadaafadda iyo inay qaataan wacyigelinta ka dhanka ha xanuunka koronaha.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)