Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaMadaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) Oo Ku...

Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.

CSI MADAXWEYNE: 28/02/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa, laguna aasay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland ku dhaqan, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, wakhti xaadirkana ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version