fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Ururka Caalamiga...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Ururka Caalamiga ah Ee Dhismaha Nabadda

Wada xaajoodka oo daarnaa sidii loo horumarin lahaa dhismaha nabada, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta garsoor iyo cadaalad waarta ayaa lagu lafa-guray, sidii ururka Interpeace ugala shaqayn lahaa Jamhuuriyadda Somaliland  arrimahaasi.

Mr Theo Hollander ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarinta togan ee ay ka sameeyeen nabada, xalinta khilaafaadka iyo dedaalada ay ugu jiraan sidii ay xasilooni waarta uga abuuri lahaayeen mandaqada. Waxaanu balan-qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in dunidu cashar ka baran karto Somaliland, marka la eego shirarkii dib-u-heshiisiinta kuwaasi oo sal-dhig u noqday helida nabad ay heshiis ku yihiin dhammaan muwaadiniinta dalku, waxa kale oo uu guddoomiyuhu tibaaxay sida gasroorka dalku u fidiyay adeegii garsoorka, kaasi oo suurtaligay in deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyni helaan xuquuqohoodii aas-aasiga ahaa oo laga hirgaliyay maxkamado u adeega. Halka maxkamadaha guur-guurana sannad walba dar-dar galin hor leh lagu sameeyo, si loo adkeeyo adeega garsoorka bulshaduna uga baaqato socdaal ay usoo gali lahaayeen magaalooyinka waaweyn. Taasi oo dhabaha u xaadhay, sidii muwaadiniintu xaqooda ugu heli lahaayeen sifo nabdoon.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)